Farmaajo Oo lagu Eedeeyay inuu Dhaqaale & Wakhti geliyay sidii Loo aamusin lahaa Warbaahinta

Somalia news

Saxaafada Somalia ayaa 5-tii sano ee u dambeysay waxey la kulmaayeen Caburin, Caga-jugleyn, Cabsi gelin, xabsi sharci darro ah iyo Afduub, waxaana falalkaan ku hayay Maamulka fashilmay ee Farmaajo, isagoo u adeegsanaaya Hogaanka Hey’adaha Amaanka oo u magacaabay shaqsiyaad tayadoodu hooseyso…

Maamulkaan ayaa sanadahaan caan ku noqday Caburinta Warbaahinta madaxa banaan kuwaasoo ku howlanaa tebinta xaqiiqda dhabta ee xalka Dalka ku sugan yahay, iyadoo Maamulka lagu eedeeyay iney xiriiro qarsoodi la yeesheen xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada iyo Dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Prof.Kabire oo ka tirsan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Maamulka Farmaajo uu dhaqaale iyo wakhti badan geliyay sidii loo aamusin lahaa Warbaahinta soo tabisa Xaqiiqda dalka ka jirta, iyagoo hadafkoodu ahaa in la aamusiyo Warbaahinta, xiraan xarumahooda iyo iney wariyayaasha ku qasbaan iney dalka ka qaxaan.

Khabiirka ayaa sheegay in ” Wariyihii iyo Maamulka Warbaahinta jilicsan gacantooda gaarta oo dhaqaale lagu aamusiyaa, halka kuwa kale Canshuurta Muwaadininta ayaa loo adeegsadaa sidii loo magac dili lahaa iyadoo la adeegsanaayo Baraha bulshada, waxaana kooxahaan lagu sifeeyay ”Waalida Dhaqanta”.

Sida ay baahiyeen Ururada Saxaafada Soomaaliyeed ee kala ah SJS, Soma iyo Fosej, Waxaa Dalka lagu dilay 13-Wariye mudadii u dhaxeysay 2017-kii ilaa 2021-kii, iyagoo 5-ka mid ah Wariyayaashaasi lagu dilay magaalada Mogadishu, waxaa lagu dhaawacay 20 Wariye lana weeraray 29 xarumo Warbaahineed.

187500cookie-checkFarmaajo Oo lagu Eedeeyay inuu Dhaqaale & Wakhti geliyay sidii Loo aamusin lahaa Warbaahinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Farmaajo Oo lagu Eedeeyay inuu Dhaqaale & Wakhti geliyay sidii Loo aamusin lahaa Warbaahinta

  1. Beentii maxaa lagu kordhiyay lacago been abuur ah Allow Alle film-kii waa dhamaad

Comments are closed.