Ma Dhabaa In Guudlaawe Loo Oggoladay inuu Tago B/Weyne

Somalia news

Warbixin hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Siyaasiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle ay isla meel dhigeen in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ay uu tago magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, islamarkaana ay la shaqeeyaan…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kulamo maalmahaan ka socda Muqdisho loona wareejiyay Magaalada Beladweyne, ayas waxaana la filayaa in Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta soo bandhigaan Qodobada ay kula heshiin karaan Madaxweyne Cali Guudlaawe kadibna loogu yeero magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhowr jeer ku hunguubay inuu tago Magaalada Beladweyne, wuxuuna u arkaa tagitaankiisa gobalka Hiiraan arrin muhiim u ah Maamulkiisa maadaama uu la daala dhacayay eedo iyo dacaayado ka dhan oo ku aadan tagistiisa Beladweyne.

135360cookie-checkMa Dhabaa In Guudlaawe Loo Oggoladay inuu Tago B/Weyne