Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan Oo Wakhti Loo Qabtay

Somalia news

Hoggaamiyaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa la sheegay inuu u qabtay muddo 48 saacadood gudahood iney uga baxaan magaalada Baledweyne dhamaan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baledweyne….

Wararka ayaa sheegaya in Abuukar Xuud uusan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacbiga Magaalada B/weyne iyo kuwa Gobolka Hiiraan, isagoo uga digay Ciidamada Amaanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka iney joojiyaan falalka ka baxsan sharciga Ee loo geysanaayo Dadka Rayidka ah ee ku nool magaalada Baledweyne.

Wuxuu sidoo kale fariin adag u diray dowlada muddo xileedkeedu dhamaaday, isagoo uu sheegay iney beegsi ku haayso Sarakiisha Xooga dalka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo ay marwalbo badalaan wuxuu ugu baaqay in arintaasi dowlada ka waantowdo oo ay dib ugu soo celiso Sarakiisha aay gobolka ka badashay.

95270cookie-checkMas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan Oo Wakhti Loo Qabtay