Ma Dhabaa In Kooxda Shabaabka ay ku Guuleysteen iney Gaaraan Dhulka Buuraleyda Sidaamo (Ethiopia)..

Africa News Somalia news

Warbixinada ka imaanaya Dalka Ethiopia ayaa muujinaaya in Dowladda Ethiopia ay ku guuldareysatay iney xakameyso rabshadaha u dhaxeeya Beelaha Amxaarada & Oromada kuwaasoo aad ugu sii kordhaaya Degaanada Wallege, isku dhacyadaan iyo habaca ku yimid fara ku heynta Amaanka….

Waxaana la sheegay furaaqadaan amni iney ka faa’iideysteen Kooxda Argagixisada Shabaabka kuwaasoo ku guuleystay markii ugu horeysay iney Xadka ka Talaabaan isla markaasna gaaraan Buuraha Sidaamo halkaasoo ay ka dhisan Koox Hubeysan Oo Ku dagaal gasha Magaca Kooxda Shababka.

Sawirka soo baxaaya ayaa muujinaaya in Howlagalada Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa Federaalka Ethiopia uu daba dheeraaday kana adag yahay sidii hore Mas’uuliyiinta Degaanka u sheegeen Dadweynaha & Saxaafada, waxaana muuqata in weli ay Ciidamada ku raad joogaan Makeeshiyaadka Shababka.

Laba Sarkaal Oo midi yahay Diblomaasi kan kalena ka tirsan yahay Hey’adda Amniga ayaa xaqiijiyay iney Dagaalamayaasha Shababka ay u suurto gashay iney gaaraan bartilmaameedkoodii oo ahaa Buuraleyda u dhaxeeyay Gobolada Somalida & Oromada (Buuraha Sidaamo).

Saraakiisha ayaa rumeysan in kooxda Shababka ay dhisaayeen ugu yaraan hal sano iney fariisimo ku yeeshaan Dhulka Buuraleyda ah iyagoo heshiis la gaaray Dadka degaanka kuna biireen Dhalinyaro, waxaana la sheegay in 5-maalmood ka hor Xoogaga Amaanka ay ku dileen Magaalada Ceelkari Wadad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Xuseen Cusmaan Oo faafin jiray Afkaarta Kooxda.

206920cookie-checkMa Dhabaa In Kooxda Shabaabka ay ku Guuleysteen iney Gaaraan Dhulka Buuraleyda Sidaamo (Ethiopia)..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com