Ma Dhabaa In Bandow Lagu Soo Rogaayo Mogadishu

Somalia news

Kadib markii ay Ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta in Maalinta Jimcaha la qaban doono Banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo Muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Bandow lagu soo rogo Magaalada Mogadishu….

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Saraakiisha Madaxtooyada kuwa Gobolka Benadir iyo kuwa Amaanka ay ku mashquulsan yihiin sidii Bandow Magaalada Mogadishu loogu soo rogi lahaa, iyadoo sabab looga dhigaayo Cudurka Caabuqa Ee Coronavirus.

Talaabadaan ayaa looga dan leeyahay sidii loo baajin lahaa Abaabulka mudaaharaadyada la Iclaamiyay, lana filaayo inuu qabsoomo maalinta Jimcaha, iyadoo Shacbiga Magaalada ay isku diyaarinaaya iney ka qeyb qaataan, Waxeyna Niyad jab xoogan ka kulmeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo muddo xileedkiisu dhamaaday kaasoo ka gaabiyay balamihii uu qaaday inuu fuliyo.

Dhanka kale, Waxaa sidoo kale la sheegay in Kooxaha laba Kaarlayaasha ah iyagana la sheegay iney diyaarinaayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen Banaanbaxyada, iyadoo laga digay dhibaateynta Shacbiga Soomaaliyeed.

95240cookie-checkMa Dhabaa In Bandow Lagu Soo Rogaayo Mogadishu