Share the post "Maxaa Hey’adihii Nabadsugida Soomaalida ka Dhigay kuwo u Shaqeeya Dalal Shisheeye.."
Waxaa wax la la yaabo ah in Sanadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid Xafiisyadii Sirdoonka Somalia sababo la xiriira shaqsiyaadka loo xusho oo asn aheyn kuwo aan meheradaan aqoon u laheyn balse lagu abaal mariyay iney u shaqeeyaan Xarakooyin Diimeed oo hubeysan Dalal shisheeye….
Xuuraanada la helayaa ayaa daaha ka qaadaya in Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia uu ergo ahaan ugu dirsaday Magaalada Addis abeba Agaasimaha Hey’adda NISA kaasoo la yaqiinsan yahay inuu u shaqeeyo Mushaar joogta ahna ka qaato Sirdoonka Ethiopia, inkastoo uu madax ka ahaan jirtay Ilaalada Hey’adda UNDP ee Somalia, talabadaani oo Hey’adda ka dhigtay mid gabtay Howlihii loo igmaday.
Ku darsoo Hey’adda Sirdoonka Maamulka gooni goosadka Somaliland ayaa xilka Hey’adda Sirdoonka Maamulkaasi u magacaabay Mr.Jama Mohamud Egal oo ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil kana tirsan Ururka Ictisaam ee ka dhisan Somalia, Shaalqsigaan asn aqoon hore u laheyn Howlaha Sirdoonka balse ku tagay Xafiiskaasi rabitaanka Shirkadda Dahabshiil.