Xiisado Colaadeed & Abaabul Maleeshiyo Oo ka Taagan Magaalada Baydhabo..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ka dhalatay kadib amar uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Konfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo bixiyay amar ah in la soo xiro Ex.Wasiir iyo xubno kale oo Siyaasiyiin ah kuwaasoo uu ku eedeeyay iney wadaan qorshe lidi ku ah Maamulkiisa…

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadani soo shaac baxday kadib markii Laftagareen uu Xoogaga Amaanka magaalada Baydhabo uu ku amray in la soo xiro Ex.Wasiirkii Warfaafinta Ilyaas Cali oo ka soo jeeda Beesha Dusow iyo Tiro kale oo Siyaasiyiin ah kuwaasoo saluugay Qaabka Maamulka uu ku Hogaamiyo Mr.Laftagareen.

Beesha Ex Wasiirkaan ayaa Maleeshiyaad iyo hub ku soo bandhigtay gudaha magaalada halka Makeeshiyaadka Beesha Xariin ee Mr.Laftagareen ay sheegeen iney difaaci doonaan Maamulka Laftagareen, iyadoo Siyaasiyiin ku sugan magaalada Mogadishu ay xiisadaan soo fara geliyeen kana sii dareen.

275280cookie-checkXiisado Colaadeed & Abaabul Maleeshiyo Oo ka Taagan Magaalada Baydhabo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com