Maamulka Villa Somalia & Xubno kake Oo Lagu Eedeeyay Musuq Baahsan oo Qaadka Kenya la xiriira

Somalia news

Maamulka Villa Somalia oo lagu xanto boobka dhaqaale iyo iibinta Hantida Diwladda, ayaa xiligaan la kulmeysa fadeexad Maaliyadeed oo la xiriirta ku tagri-falka Hantida Dalka iyo Musuqmaasuq baahsan, isagoo u saxiixay tiro Shirkaddo Ganacsi oo xiriir ka leh kooxda Madaxweynaha & Qoykiisa…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wakiilo ka tirsan Shirkadahaan ayaa bilaabay iney Hanti ma guurti ah (Guryo) & dhulal ka iibsaday Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, waxaana lagu qiyaasay dhaqalahaan 11-Million US$ bishii laga macaasho Qaadka, dhaqdhaqaaqa Kooxdaan ayaa soo jiitay indhaha Saraakiisha Sirdoonada Kenya, UK & USA kuwaasoo si dhow ula socda Lacagaha sharci darrada ah la doonaayo in lagu raad tirto.

Wararka ayaa sheegay in Shaqsi magaciisa lagu sheegay Liibaan Axmed Xasan (Shuqul) oo heerka Waxbarashadiisa lagu sheegay mid aad u hooseysa balse xiriir dhow la leh Xasan Sheekh iyo Wasiirkii 1-aad ee hore (Rooble) ayaa la xaqiijiyay inuu garwadeen ka yahay Lacagaha la dhaqaayo iyo ololaha hanti kala iibsiga Kenya.

Xuuraankaan ayaa tilmaamay in shaqsi aan waxba heysan 9-bilood ka hor uu haatan leeyahay 13-Guri,tiro Dukaamo Ganacsi iyo 2-Hektar oo dhul beereed ah, kuwaasoo ku kala yaaliin Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, Iyadoo la xaqiijiyay in Xasan Sheekh uu u oggolaaday Qandaraaska keenista Qaadka Kenya Mr.Shuqul, Cumar Shido iyo xubno kale.

Madaxeynaha waxaa la sheegay in Saamigiisa uu u xil saartay Ganacsade Cabdinaasir Cali Adoon oo la sheegay inuu ku jiro Liiska Madow ee Wasaarada Maaliyada USA, wuxuuna ka mid ahaa Ganacsatadii dhaqaalaha ku taageertay xiligii doorashada, Sirdoonka Kenya ayaa la sheegay iney su’aalo weydiiyeen Liibaan Shuqul halka uu dhaqaalahaan ka keenay.

249290cookie-checkMaamulka Villa Somalia & Xubno kake Oo Lagu Eedeeyay Musuq Baahsan oo Qaadka Kenya la xiriira