Share the post "Maxaa Ka Dhab Ah In Bastoolado Ay Dowladu Ku Wareejisay Koox Dilaa Ah"
Macluumaad ayaa laga helayaa kooxo Dhalinyaro ah oo horey uga goostay Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka intooda badana ka soo jeeda Gobolka Gedo, laguna waday barnaamijyo lagu dhaqan celinaayo xero Ciidan oo ku Degmada Xamar Jabjab Ee Gobolka Benadir ayaa laga saaray….
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegtay in Saraakiil ka tirsan Hey’adda Sirdoonka NISA iyo kuwo Madaxtooyada ayaa la sheegay in Koox Dhalinyaro ah oo tiradoodu lagu sheegay bartamihii bishii January 23-xubnood barnaamij dhaqan celin ah loo waday laga saaray Xerada Sarandi Ee Boliiska, iyadoo 19 ka mid ah ayaa la sheegay iney ka soo jeedaan Beesha Madaxweynaha Ee Mareexaan.
Qoraal Sirdoon ayaa tilmaamaya in 19 Bishii February 2021 17 Dhalinyaro ah laga saaray Xerada Serandi, waxaana lagu wareejiyay Xerada Ciidamada Gordon Ee Ex Damaanyo, 12-ka mid ah ayaa la sheegay iney ka soo jeedaan Beesha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.
23-kii February ayaa warbixinta lagu sheegay in Kooxdaan 40-bistooladood loogu qeybiyay Xarunta Nabadsugida, halka 25-kii Bishii dhamaatay Kooxdaan la geeyay agagaarka taalada Daljirka sahsoon, iyadoo ay Midowga Musharixiinta ay ku baaqeen 26-kii Banaanbaxyo Nabadeed, daqiiqadihii ugu dambeeyay la baajiyay.
Kooxahaan loo xilaaaray Khaarijinta Banaanbaxayaasha Waxaa la sheegay in loo Xil saaray Saraakiil ka tiraan NISA kuwaasoo magacyadoodu lagu kala sheegay Cabdullahi Dheere (Ogaadeen) Darawalkii Godane iyo Maxamed Sheekh Qeylo (Majeerteen) Madaxa Baarista NISA Ee Gobolka Benadir.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Xerada Serandi waxaa si toos ah u maamula Wasaarada Amniga, waxaana maal geliyay Dowlada UK, iyadoo Maleeshiyaadka ka soo goostay Kooxda Shababka ay u Xil saaran yihiin maamulkooda Cabdullahi Kulane (Jiis-mareexaan) Iyo Horjooge Adan Goobe alias Axmed Aadan oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.