Larry Andre: Maraykanku waxba kama beddeli doono Siyaasaddiisa ku aadan Somalia oo hal Dal ah 

Somalia news

Danjiraha Dowlada Mareykanka ee u fadhiya Dalka Somalia, Mr.Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Dowladiisu ay hal siyaasad kula macaamileyso Somalia, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda…

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka ah dabbaaldegga xuska xorriyadda Somalia oo socon doona muddo toddobaad ah, “Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Somalia taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Somalia.

Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay inay si gaar ah u go’aamiyaan Somalia iyo Maamulka Hargeysa, Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Somalia oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.

198400cookie-checkLarry Andre: Maraykanku waxba kama beddeli doono Siyaasaddiisa ku aadan Somalia oo hal Dal ah 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com