Shababka Oo Weeraray Farsiin Boliiska Kenya Ay Leeyihiin

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Ceel waaq (Kenya) ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Ceelwaaq Kenya, iyadoo ay ka gaabsadeen iney sheegaan khasaaraha ka soo gaaray Weerarkaasi….

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay iska caabiyey isku day ay Kooxaha Shabaabku ku doonayeen inay ku weeraraan xero boolis oo ku taala deegaanka Elram, Ceelwaaq, degmada Mandheera, Xeradan ayaa ah mid cusub waxaana bar tilmaameedsaday dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo halkaasi ku sugan.

Dadka Degaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas culus oo socday ku dhowaad 10 daqiiqo ka hor inta aysan Maleeshiyaadku dib ugu laaban halka ay ka soo duuleen, Laamaha amaanka ayaa sheegay in ay wadaan qiimeyn hadii khasaaro ka dhashay weerarka.

100740cookie-checkShababka Oo Weeraray Farsiin Boliiska Kenya Ay Leeyihiin