Share the post "Maxaa Ka Dhab ah In Ciidamada Puntland ay Gadood ka Sameeyeen Guluf ay Qaadi lahaayeen & Sababta.."
Wararka naga soo gaaraya Degaanka Carmo ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Kala shaki uu soo kala dhex galay Xoogag hubeysan oo maalmihii ugu dambeeyay lagu uruurinaayay Dugsiga Tababarka Boliiska ee Degaanka Carmo kuwaasoo loo sheegay iney la Dagaalamayaan Kooxaha Argagixsada ee Buuraleyda ku sugan..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gadood ay sameeyeen Ciidamadaan qaarkood kadib markii ay ogaadeen in loo wado iney dagaal ka galaan Degmada Xaafuun oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada PSF, kuwaasoo is hortaag ku sameeyay in Degmada loo gacan geliyo Ciidamo ka tirsan Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Israel si ay fariisin halkaasi uga dhigtaan.
Labada Sarkaal hormuudka u ah gadoodka ayaa lagu kala magacaabo Ina Agaf oo reer Qardho ah Iyo Jaamac Dhakaar oo reer Haylaan ah waxeyna iska diideen iney qeyb ka noqdaan weerarka lagu qaado Degmada Xaafuun Iyo Ciidamada PSF ka qeyb-qaataan, Siciid Deni ayaa si hoose u Qorsheeyay guluf colaadeed ka dhan ah Xaafuun Qandaraasna ku soo qaatay.