Kooxda Shababka Oo Weerar Kedis ah ku Qaaday Degaanka Burujeed ee Gobolka Galgudud..

Somalia news

Warrarka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Galagaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka ay aroortii hore ee saaka Weerar ku qaadeen xeryo Ciidamo isku dhaf ah oo fatiisin ku lahaa Deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60-km koonfur bari uga beegan Degaanka Guriceel.

Wararka ayaa sheegay in Salaaddii subax kadib la sheegay in dhawr qarax laga maqlay degaanka Burujeed, kadibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaraya ilaa hadda kooxdii weerarka qaaday ee Shabaabka iyo ciidamada degaanka, waxaana la jaray dhamaan Khadadkii Isgaarsiinta Degaanka.

War ka soo baxay kooxsa Shabaab ayeey waxay ku sheegeen in dagaal culus ay ku qaadeen degaanka Burujeed, isla markaana ay khasaare ba’an gaarsiyeen ciidamada halkaas ku sugnaa, Ila hadda lagama hayo macluumaaf la xiriira khasaaraha ka dhashay Weerarka badan lagama hayo ee labada dhinac kala gaaray, iyo sida ay xaaladdu tahay hadda, maadaama ay isgaarsiinta Burujeed hawada ka maqan tahay.

282000cookie-checkKooxda Shababka Oo Weerar Kedis ah ku Qaaday Degaanka Burujeed ee Gobolka Galgudud..