Wada Hadaladii Ethiopia & Somalia Oo Burbur Qarka u Saaran Kadib Diidmada Villa Somalia..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Dadaaladii ay u kala dab qaadaayeen Djibouti iyo Kenya Somalia & Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in Maamulka Abiy uu oggolaadeen iney baabi’aan Heshiiska Is Afgaradka iyagoo Shuruud ku xiray in si qarsoodi ay u oggolaato Somalia…

Hase yeeshee Ergada Somalia ayaa dalbatay in shaac baxsan loo baabi’iyo Heshiiska, waxeyna ganafka ku dhufteen soo jeedinta Ethiopia taasoo ka dhalan karta caro Dadweyne, Maamulka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay iney Saraakiil aan Khabiiro ku aheyn (Juniors Officers) arrimaha dhexdhexaadinta u xusheen kuwaasoo fudeyd badan ka muuqdo.

Maamulka Abiy ayaa ku wargeliyay Dowladaha Djibouti, Kenya iyo USA in ka bixitaanka Heshiiska is-afgaradka ay ka soo dhameeyeen Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa, iyadoo u diray Ergo uu hormuud u yahay la-taliyaha Amniga Qaranka Ethiopia kuwaasoo u sheegay iney dhankooda ka baabi’inaayaan heshiiskii ay wada galeen.

Wafdiga Somalia waxaa Hogaaminaaya Mr.Cali Balcad Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibeda, waxaana ku wehliya La-taliyaha Madaxweynaha arrimaha Amniga Xuseen Sheekh, Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Wasiirka 1-aad Kamaal iyo (Ceynte) Xubin kale, halka Ethiopia ay soo dirsatay Wasiirka Arrimaha Dibeda.

313730cookie-checkWada Hadaladii Ethiopia & Somalia Oo Burbur Qarka u Saaran Kadib Diidmada Villa Somalia..