Weerar ay Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Shababka Oo lagu Laayay Saraakiil & Askar kana Dhacay Duleedka Mogadishu..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasoo saakay ka dhacay Degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelada Hoose, khasaare kala duwana lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowlada Federaalka, iyadoo weerarku lagu sheegay inuu ahaa mid kedis ah…

Weerarkaan ayaa ku bilaawday qaraxyo oo ay soo qaaday kooxda Argagixisada Shabaabka wuxuuna si gaar ah uga dhacay Degaan lagu magacaabo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee Konfurta Muqdisho, iyadoo degaanka la weeraray ay ku sugnaayeen Ciidamadda Boliiska ee Haramcad, Duufaan iyo Boolis-Dableyda oo maalmahan ka waday guluf ka dhan ah Kooxda Shababk.

Wararka ayaa sheegay in Dirirtaan lagu dilay Saraakiil uu ka mid yahay Liibaan Golcad oo ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa Boliiska/Dableyda ku dhowaad 10-kale oo Saraakiil iyo Askar, Weerarkaan oo kooxda ay soo qaaday gelinkii dambe ee xalay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay qabsadeen Fariisinka, iyagoo dab qabad siiyeen tiro Gaadiid dagaal iyo Cagafyo ay Ciidamaddan wateen, Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka wada howlgal lagu baadi goobayo saraakiil la la’ yahay iyo gaadiidka qaar oo aan la heyn.

316670cookie-checkWeerar ay Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Shababka Oo lagu Laayay Saraakiil & Askar kana Dhacay Duleedka Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com