Maxaa ka Run ah in Agaasimaha NISA Cadaadis lagu Saaraayo inuu Is-Casilo Xilka Hey’adda & Sababta..

Somalia news

Macluumaad loo qaateen ah ayaa tilmaamaya inuu jiro warar sheegaya in Agaasimaha NISA bilowga cusub ee sanadka 2024  uu xilka wareejin doono, iyadoo durbadiiba la sheegay in dagaal hoose ka dhex bilaawday Xulufada Damu jadiid iyo kooxda Daljir ee bahoobay kuna aadan Xilka Hey’adda NISA…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo aqoontiisa Amniga ay hooseyso ayaa ku guuleystay in Qaraxyadii iyo Dilalka Magaalada Mogadishu ee Kooxaha Shababka hoos u dhigay, kadib markii Kooxo dhar cad ku soo daayay Magaalada, inkastoo howsha amniga Caasimada ay tahay “Faanole Fari kama qodna”.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Villa Somalia uu qorsheystay in Agaasimaha NISA uu u sharxo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo Mr.Qorqor lagu eedeeyay inuu wakhtiigiisa ku dhumiyo Safaro Istanbul ah iyo inuu ka gaabiyay inuu ka wax qabto dagaalada beelaha iyo dilalka argoosiga ah oo si joogtada uga dhaca Galmudug, Kooxda Daljir ayaa la sheegaya iney hordhigtay Xasan Gurgurte inuu laba xil mid qaato halka kana kale Kooxdooda loo daayo.

Loolanka labada Kooxo-diimeed aadbu u adag yahay marka loo eego jagooyinkaan (NISA iyo Hogaanka Galmudug), inkastoo siyaasadu markasta ay is rogi karto hadana waxaa la sugayaa sida ay wax kasta ku dhamaan doonaan iyo kooxda ku guulaysta hardanka siyaasadeed ee Demu jadiid iyo Daljir, iyadoo sidoo kale la hadal hayo in Isbedel lagu sameyn doono Golaha Wasiirada dhawaan.

295350cookie-checkMaxaa ka Run ah in Agaasimaha NISA Cadaadis lagu Saaraayo inuu Is-Casilo Xilka Hey’adda & Sababta..