Maxaa Ka Jira In Maamulka Farmaajo U Oggolaaday..

Politics

Ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Maamulka Villa Somalia, ayaa warbaahinta u sheegay in Dowladda Federaalka ay si rasmiya u ogolaatay bixinta Shahaadada Ardayda Puntland…

Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto oo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Federaalka oo ka soo jeeda degaannada Puntland.

Sidoo kale, Waxaa dadaalkaas lamid ah sameeyay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ugu caansan Puntland, oo magaalada Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis ku saaray in mustaqbalka Ardayda Puntland aan loo xannibin arrimo siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka 1-aad Mr.Cali Khayre oo khadka Taleefonka kula xiriiray Madaxweyne Deni ayaa u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalku ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland, ayaa ka wada-hadlay arrimaha farsamo ee ka harsan dhammaystirka is-fahamka laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland.

17310cookie-checkMaxaa Ka Jira In Maamulka Farmaajo U Oggolaaday..