Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal (Puntland) ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ku dhawaaqayo go’aano culus oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka….
Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu ka baaqsanayo ka qeyb galka shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana xiriirka u jari doono dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo maanta lagu wado inuu War-saxaafadeed soo saaro ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqi doono in Puntland ay ka baxday nidaamka doorashada Soomaaliya oo aysan kasii mid ahaaneynin Qaabka ay wax u wadaan Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya, inta dib loogu soo noqonayo Dastuurka iyo Sharciga.
Dhanka kale, Waxaa Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland ku yeeshay Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland waxeyna uga doodeen arrimaha doorashooyinka, go’aankii Metelaada Gobolka Banaadir lagu siiyay 13 xubnood, qoondada haweenka & arrimo kale.
Baarlamaanka Puntland waxa ay ka soo horjeesteen xilligaan in dalka aan laga qaban karin doorasho qof & cod, islamarkaana aysan suuragal aheyn arrimaha ku xayndaaban muddo kordhinta Guddiga doorashada.
Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay ka soo horjeesteen Metelaada 13ka Kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare ee dalka & sidoo kale hanaanka loo maray qoondada haweenka ee 30%.