Khilaafka & Boobka Doorashada Puntland Oo Soo Gaaray Heerkii ugu Hooseeyay.

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xiisadii Boobka Doorashada ee Deni ee Puntland uu gaaray halkii ugu hooseeysay, kadib markii uu si cad uga horyimid Islaanka Beesha Cumar Maxamuud uu Maamulka ku eedeeyay inuu soo saaray Liis Been abuur ah uusan soo saxiixin…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Deni ay ka argagaxeen qoraalka uu soo saaray Islan Bashiir Islan Cabdulle, kaasoo faray Nabadoonada Beesha iney diyaariyaan Liiska ku matalaaya Barlamaanka Degaanka Puntland Shanta sano ee soo socota, iyadoo la raacaayo hab-raacyadii hore ee wax qeybsiga Beesha.

Dhanka kale, warar ayaa tilmaamaya in heshiis hoose ay wada gaareen Mr.Deni iyo Senator Faroole, kuna aadan in Senatorka Wiilkiisa Maxamed Faroole loo balanqaado Dhaqaale iyo Xil Wasiir hadiiba uu hirgalo qorshaha Boobka Deni ee Doorashada, Mr.Maxamed Faroole ayaa soo saaray Qoraal uu ku taageersan yahay Liiska Boobka Xildhibaanada.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Mr.Deni habeenkii la soo saarayay Liiska Xildhibaanada uu ku amray Shirkadaha Isgaarsiinta in gebi ahaan hawada laga saaro si aysan xiriir u wada yeelan Musharixiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, Falkaan ayaa u muuqda mid dhiiri gelinaaya Boobka Doorashada Deni, ku darsoo ilaa Musharax iyo Maamul midna kama hadlin Is-afgaradka Ethiopia iyo Somaliland, waxaana la isweydiinayaa Sababta.

298030cookie-checkKhilaafka & Boobka Doorashada Puntland Oo Soo Gaaray Heerkii ugu Hooseeyay.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com