Maxaa Ka Jira In USA Ay Saldhigg Ciidan Ka Dhisaneyso Boosaaso

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah, ayaa warbaahinta Diinah.com news u sheegay, in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraynka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ay kulan qarsoodiya ku yeesheen Caasimadda Waddanka Jabuuti….

Kulankaasi ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray Qodobo la xiriira la Sagal’s ka kooxaha argagixisada iyo Saldhig Ciidan oo Taliska AFRICOM ka dhisti Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, kaas laga qaadi doono Hawlagallada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish.

Saldhiga cusub, waxa Hawlgallo wadajir ah ka qaadi doona Taliska AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Puntland ee loo yaqaan PSF, si loo wiiqo Awoodda kooxaha Shababka iyo Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

13-kii February 2020, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Gen. Stephen J.Townsend ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Deni.

Gen. Townsend iyo Madaxweyne Deni, ayaa xilligaas ka wada-hadlay Hawlgallada La-dagaallanka Argagixisada iyo Saldhiga Boosaaso, inkastoo Warbaahinta laga qariyay Arrimaha Saldhiga.

54220cookie-checkMaxaa Ka Jira In USA Ay Saldhigg Ciidan Ka Dhisaneyso Boosaaso