Maxaa Ka Dhalan Kara Fashilka Ku Yimaada Shirkad Dhuusa mareeb-3

Somalia news

Cabsida laga qabo in maalmo uu dib u dhaco Shirka Dhuusa mareeb-3 ayaa sii xoogeystay, iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka ay soo saareen baaq looga digaayo Saamileyda Siyaasada, Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iney ka dhalan karto cawaaqib xumo hadii uu qabsoomi waayo Shirkaasi….

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay Garabka Dowlada Federaalka uu Hogaaminaayo Mr.Farmaajo ay gaari doonaan Magaalada Dhuusa mareeb maalinta Talaadada, iyadoo laga yaabo Inuu shirka dib u dhaco 3-4 maalmood.

Ajandaha Shirka oo ah Nooca Doorashada ee la galaayo 2020/21 ayaa lagu heshiin waayay kulankii u dambeeyay, waxaana loo saaray Guddiyo, iyadoo aysan soo xaadirin Ergada Puntland iyo Jubbaland, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay iney deg deg u diraan ergadooda.

Aqoonyahann Prof.Kabire ayaa ka digay in Fashil ku yimaada Shirka Dhuusa mareeb-3 ay dhabaha u xaari karto, in dalka dib loogu celiyo markii 2-aad Dowlad KMG-nimo ah, talaabadaasi oo dhirbaaxo ku ah Siyaasiyiinta Soomaalida.

Maamulka Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhegan doorasho Qof iyo Cod ah, Arrintaasoo ay ku lamaanan tahay Muddo kororsi 2-sano ah, maadama uusan wakhti badan uusan harin, Halka Maamulada ay ka biyo diideen qorshahaasi kuna tilmaameen riyo maalmeed, waxeyna ku baaqeen nooc doorasho oo heshiis lagu yahay.

Waxaa jira qodob kale oo suurtagal noqon kara kaas oo ah.

  • In uu Xildhibaanada hortooda kaga dhawaaqo raysalwasaaraha cusub ee mudada laga sugaayey, isla goobtaasna uu Xildhibaanada markiiba ka dalbado in ay codka kalsoonida siiyaan maadaama wakhtigu aad u yar yahay, sidoo kale qodobkan mid ku ladhan ayaa jira oo ah in uu weydiisto mudada dastuurku siinaayo in raysalwasaare lagu soo magacaabo loo kordhiyo oo uu weli wado wadatashiyo.
54160cookie-checkMaxaa Ka Dhalan Kara Fashilka Ku Yimaada Shirkad Dhuusa mareeb-3