Turjubaano Afghanistan U Dhashay Oo Cabsi Soo Food Saartay

Somalia news

Warbixino la helay ayaa muujinaaya in Muwaadiniin u dhashay Dalka Afghanistan oo ku shaqeynaayay muddo 20- sano ka badan Turjubaanimo ayaa la sheegay iney cabsi xoogan soo food saartay iyaga iyo qoysaskooda, kadib markii ay Dalalka Nato ku dhawaaqeen iney Ciidamadooda…

Dowladaha USA & UK ayaa la sheegay iney ka fiirsanayaan sidii laga yeeli lahaa Shaqaalaha Turjubaanada ah Ee la shaqeeyay Ciidamada NATO Ee ka howlgalaayay muddo ka badan 20-sano Dalka Afghanistan, Turjubaanadaan ayaa tiradoodu lagu qiyaasay 16,000 kuwaasoo ka howlgalaayay Degaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada NATO.

Xoghayaha Difaaca Ee Dowladda UK Ben Wallace ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dejiyo qorshe lagu naf badbadinayo muwaadiniinta reer Afghanistan ee naftooda u huray sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada isgaashaanbuursanaya si ay isku af fahmaan dadka shacabka, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 3000.

Af yaqaannadaan waxa ay u kala tarjumayeen Ciidamada NATO & Dadka reer Afghanistan ee aan English-ka aqoonta u lahayn, waa fududeeyaal si ay isku fahmaan labada dhinac maadaama ay garanayaan labada luuqadood, UK waxaa la geeyay in ka badan 1,300 oo ruux oo reer Afgaanistaan ah oo la shaqeeyay Ciidanka Britain, waana tan keentay in dadkaan kale ee cabsida muujiyay in loo qaado Ingiriiska Dowladdana ay aqbasho dib u dejintooda.

121970cookie-checkTurjubaano Afghanistan U Dhashay Oo Cabsi Soo Food Saartay