Rooble Oo Eryay Xubno Ka Tirsan Guddiga Khilaafaadka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in 7-Xubnood oo ka tirsan guddiga Xalinta Khilaafaadka laga eryay shaqadoodii kadib markii lagu eedeeyay iney ku kulmeen Kooxda Ololaha Farmaajo Fashilmay isla markaasna ay dhaqaale ku qaateen Boobka Kursiga Hop#067..

Wararka ayaa sheegay in Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta la gaarsiyay Dacwado la xiriira in Xubnahaan uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Doorashada Lagu Eedeeyay iney awaamiirta toos uga qaataan Farmaajo & Fahad, islamarkaana ay dhaqaale buuran ku qaateen sidii loo xalaaleyn lahaa Kuraasta Muranka ka taagan yahay.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid kalsooni gelin karta Hufnaanta Doorashada, waxeyna bilow u tahay in laga hortago Boobka ay qorsheysteen Kooxda Villa Somalia, Oo damac kaga jiro iney dib ugu soo noqdaan Talinta Dalka.

156650cookie-checkRooble Oo Eryay Xubno Ka Tirsan Guddiga Khilaafaadka