Maxaa Ka Run ah in Hogaamiyayaasha Gobolada Galmudug, Konfur galbeed iyo Puntland ku Kulmaayaan Dubai…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dowlada UAE ay muddo waday qorshe ay ku kulmineyso Tiro Maamulada Gobolada Dalka qaarkood kuwaasoo dhaliilsan siyaasada & Hogaanka Xasan Sheekh oo Dowladiisii u rogay NGO kuna mashquulay safaro aan waxba u soo kordhineynin Dadka iyo Dalka…

Wararka ayaa sheegaya in shalay uu magaalada Garoowe ka dhoofay Mr.Deni Madaxa Maamulka Puntland oo safar aan la shaacin ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Saraakiil ka tirsan Sirdoonka UAE, Shirkada DP World, Madaxada Maamulada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Qoor-qoorka Galmudug oo iyaguna maalmaha soo socda tagi doona Imaaraadka, sida ay warar hoose inoo xaqiijiyeen.

Safarka Deni ayaa la sheegay inuu ku wehliyaan Tiro Guddiga Maamulka Wadaagsin ee Dekada Garacad, kuwaasoo sheegay in Dekeda Garacad iyi wadada isku xirta Garacad iyo Gaalkacyo ay ubaahan yihiin maalgashi marka la qiimeeyo heerka ay soo gaartay si gaar ah Imaaraadka, waxeyse Hilmaamsan yihiin dhibaatada ay Sudan ka dhaxashay Maalgashiga UAE.

332640cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Hogaamiyayaasha Gobolada Galmudug, Konfur galbeed iyo Puntland ku Kulmaayaan Dubai…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *