Qarax Miino Oo Ka Dhacay Xadka Kenya-Somalia

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo ka dhacay Wado ay kormeer ku maraayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya kuna tala Xadka labada dhinac, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare, sida ay sheegeen goobta joogayaal degaanka ah….

Wararka Ayaa sheegay in Qaraxaan miino uu shalay ka dhacay degaanka Mandheera (Kenya), iyadoo ay ku dhaawacmeen 5-Askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, xili ay galbonaayeen gaari bus ah oo rakaab rayid ah waday, waxaana la sheegay in 3-Askari ay xaaladoodu liidato halka 2-da kale ay soo gaareen dhaawac fudud, waxaana miinada lagu qariyay Wadada u dhaxeysa tuulooyinka Jabibar iyo Rhamu oo ka tirsan degaanka Mandheera Kenya.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarka, waxaase Degaanada bilihii ugu dambeeyay ka howlgalaayay Maleeshiyaad degaanka ah iyo kuwa Shababka, kuwaasoo ka soo horjeeda Ciidamada Kenya iyo Maamulka Jubbaland oo Dhanka Somalia ka howlgala.

75810cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Xadka Kenya-Somalia