Fariimo Siyaasadeedka Madaxweynaha ee Mowlaca Madaxtooyada & Jimcahaan..

Somalia news

Muwaadiniin badan ayaa la amakaagay Fariimo siyaasadeedka Madaxweynaha Dalka ka jeediyo Salaada Jimcaha kadib uu istaago Membarka Masaajidka uuna ku weeraro mucaaradkiisa iyo Maamulada ka soo horjeeda Barnaamijkiisa ku dhisan Xisbi diimeedkiisa ka dhigay aalad siyaasadeed oo Dadka lagu dulmiyo…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Villa Somalia ay muddo ku howlaneyd dhaqaalena ku bixisay sidii Garabyada Siyaasada Puntland uga soo horjoonsan lahaayeen isbedelada Demuqaraadiyadeed iyo hirgelinta Doorashada Degaanada Puntland oo lagu wado iney qabsoomto 24-ka Bishaan.

Aqoonyahanadu ayaa horey u qiray in Dowladnimo ay adeeg tahay, Adeeguna yahay mid Xaq ah oo Muwaadinku leeyahay, helida Xaqaasi Muwaadinku inuusan u marin Wadani kale, halka Mudnaantuna (Meritocracy) ay tahay wadada kaliyah ee lagu hormarin karo Dalka, isla Xisaabantakuna uu xoojinaayo hananka lagu dagaalamaayo Musuqa, Eexda iyo Qaraabo-kiilka.

Ayaan darro hadda Siyaasadda Kooxda Damu Jadiid oo lagu eedeeyay Eex iyo Musuq ayaa ku dhiiraday iney baaqyadooda Siyaasadeed ka jeediyaan Masaajidka Madaxtooyada maanta laga sugaayo inuu Xasan Sheekh ka soo diro fariimaha cabsi gelinta Khubada iyo Salaada Jimcaha kadib, Jimcahaan Yaad is leedahay baa saaran Kawaanka Horjoogaha Kooxda Damu jadiid.

255480cookie-checkFariimo Siyaasadeedka Madaxweynaha ee Mowlaca Madaxtooyada & Jimcahaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com