Maxaa ka Run ah in Khilaaf uu soo Kala Dhex Galay Saciid Deni & Wasiirkiisa Qorsheynta…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wasiirkiisa Qorsheynta. Khilaafka ayaa salka ku haya in awoodii Wasaarada uu si dadban ula wareegay Mas’uul horey uga tirsanaa Maamulka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Wasiirka Qorsheynta Mr.Daa’uud Bisinle uu aad uga carooday in Howlihii Wasaarada uu Mr.Deni ku wareejiyay Wakiilkiisa Arrimaha Xiriirka Caalamiga ah ayaa tan iyo markaasi la wareegay Shaqadii Wasaaradda ee La-macaamilka Xirirka hay’adaha iyo deeq-bixiyaasha Caalamiga ah, Wasaaradana ka dhigtay Shaqo la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiir Bisinle uu qorshaynayo inuu iska casilo xilka Wasaaradda Qorshaynta Puntland, bacdamaa faragelin joogto ah uu ku hayso Madaxtooyada Puntland Howlaha Wasaarada uu Madaxda ka yahay isku dayo badan uu sameeyayna ay natiijo ka soo bixi waayeen.

339920cookie-checkMaxaa ka Run ah in Khilaaf uu soo Kala Dhex Galay Saciid Deni & Wasiirkiisa Qorsheynta…