Maxaa Hogaanka Dowladda Federaalka Ka Hortaagan iney Xakameeyaan Weerarada Caasimada ee Argagixisada Shababka

Somalia news

Waxaa joogto noqday weeraro qorsheysan oo lagu qaado Bartilmaameedyo gaar ah ay ugu xushaan Kooxda Argagixisada kana fuliyaan Caasimada, iyadoo Hogaanka Dalku & Mas’uuliyiinta u xil saaran Hey’adaha Amaanka ay ku kufaan iney ka hortagaan falalka kooxdani…

Dowladda ayaa dhaqaale badan ku bixisay adkeynta Amaanka, inkastoo lagu eedeeyo Madaxda Sare ee Dalka iney mas’uul ka yihiin xulushada tayadoodu hooseyso oo ay ku aaminaan shaqsiyaad aan khibrad u laheyn balse iyaga daacad u ah, ku darsoo Muwaadinow waxaa Shacbiga lagu dhibaa Isbaarooyin tiro beelay oo magaalada ay dhigeen Hogaamada Amaanka kuwaasoo dhaqaale badan ka sameeya.

Weerarada ayaa ku soo hagaaga xilli Saraakiisha Sirdoonada Reer Galbeedka ee ku sugan Xarunta Xalane soo saareen maalmihii tagay digniino ku aadan in kooxda argagixisada Shababku ay diyaariyeen qorshe weeraro maadama ay culeysyo iyo dib u dhacyo kala kulmeen furimaha dagaalka ee Gobolada.

Sidee loo weeraray Goob Amaankeeda aad loo sugay

Xarunta Gobolka Benaadir waa goob amaankeeda aad loo sugay oo dhamaan wadooyinkii soo geli jiray laga xiray Gaadiidka iyo Dadka, Tani waxey keeneysaa in su’aalo badan la iska weydiiyo ayna adag tahay in jawaabo loo helo, inkastoo aysan jiri doonin in baaris dhab ah lagu sameeyo cidii gacan ka geysatayna fududeynta howshaan halista badan.

Weerarkaan ayaa noqonaaya kii 8-aad ee kooxda Argagixisada qaadaan. Waxaa ka horeeyay weerarkii Galcad ee khasaaraha badan dhaliyay 20-kii Jen, kii 17-kii Jen ee Degaanka Xawaadley, Weerarkii (SVBIED) ee Tuulada Halgan ee 16-kii Jen, 14-kii Jen, Weerarkii (SVBIED) ee Jalalaqsi iyo kii Degmada Buulo burte, Weerarkii Hilowle gaab ee 06-Jen, iyo Weerarkii (SVBIED) ee Maxaas 04-Jen.

238550cookie-checkMaxaa Hogaanka Dowladda Federaalka Ka Hortaagan iney Xakameeyaan Weerarada Caasimada ee Argagixisada Shababka