Dad Rayid Ah Lagu Dilay Degaanka Warsheekh

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay saddex qof oo isu qoys ahaa, duleedka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Dableydaan ayaa Degaanka Fila-dheere ku dishay hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, Carruurta mid ka mida waxa uu jiray maalmo, halka kan kalana uu saddex sano jir ahaa, Sidoo kale dableyda ayaa la sheegay inay rasaas huwiyeen hooyo kale iyo wiil ay dhashay, iyagoona goobtaasi uga tagay meyd ahaan, balse dib laga ogaaday inay dhaawac yihiin, inkastoo ay xaaladoodu tahay mid aad u culus.

Dableydii weerarka gaysatay oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa la soo sheegaya in ay ka baxsadeen goobtaasi, Dadka degaanka ayaa u gurmaday qoyskii uu dhibku gaaray, iyadoo xaalad kacsanaan ahi laga dareemayo deegaankaasi.

17-kii bishii September ayay ahayd markii lix qof oo Culimo u badnaa lagu laayay deegaan hoos-tagga Degmada Raageceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ilaa hadda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hir-shabelle ayaa Weli ka hadlin .

71300cookie-checkDad Rayid Ah Lagu Dilay Degaanka Warsheekh