Xog-Uruurin Baariseed Oo ka Digtay Adeegsiga Shababka ee Drones-ka

Somalia news


Xog-uruurin baariseed ayaa muujineysa in 15-kii bilood ee u dambeysay Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka la qiray iney ku howlanaayeen sidii u yeelan lahaayeen qeybo ku howlgasha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee (Drones-k), kuwaasoo ka qeyb qaata Sahminta iyo duqeynta..

Xog-uruurintaan ayaa ka digtay adeegsiga tignoolajiyada cusub inay kooxda Shabaabka si gaar ah uga faa’iideystan si ay u fududeeyaan weeraradooda iyo hannaankooda sirdoonka, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kooxda gacanta ugu jira ayaa laga yaabaa in laga xaday kaydka ciidamada dalka Kenya ama Taageerayaal jidbeysan oo dibada ku nool ay u soo iibiyeen.

Warbaahinta kooxdani ayaa horey u sheegtay in Maleeshiyaadky ay adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn si ay u duubto weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya kal hore, Bishii Nofeembar 2021, Hay’adda sirdoonka NISA ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 6 diyaaradood oo nooca Drones-ka ah, oo uu lahaa Xildhibaan Zakariye oo katirsanaa barlamaankii hore, afar ka mid ahna la waayay intii lagu guda jiray xiliga kala guurka.

Wararka ayaa sheegay in Diyaaradahaan la qabtay ay qaadi kareen in ka badan 30 Kiilogaram oo Walxo qarxa ah ama Bambooyin, Horjoogayaasha kooxda ay la xaqiijiyay iney la wadaageen macluumaadka Drones-ka Kooxaha gacan-saarka ay la leeyihiin Al-qaa’ida iyo kuwo kale.

213790cookie-checkXog-Uruurin Baariseed Oo ka Digtay Adeegsiga Shababka ee Drones-ka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com