Maxaa ka Run ah in Villa Somalia ay Abaabushay Isbaheysi dhan ka ah Deni..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay si hoose u abaabushay, Maalgelisay kooxo isugu jira Odayaal dhaqmeed, Waxgarad iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan Maamulka Puntland ee Siciid Deni…

Wararkaan ayaa intaasi raaciyay Kooxda Demu Jadiid ee Madaxweynaha ay muddo ku howlanaayeen in la abaabulo Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Qeybaha kala duwan ee ka soo jeeda Degaanada Puntland kuwaasoo lagu mideeyo dhammaan kooxaha mucaaradsan Siciid Deni.

Wararka ayaa intaas raacinaaya in Madaxtooyada ay diyaarisay dhaqaale gaar ah oo lagu hirgelinaayo qorshahaan si ay culays siyaasadeed loogu saaro Dani, Talaabadaan ayaa ka dambaysay kadib markii Maamulka Puntland ay xiriirka u jartay Villa Somalia sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed.

253000cookie-checkMaxaa ka Run ah in Villa Somalia ay Abaabushay Isbaheysi dhan ka ah Deni..