Kulanka Garoowe Iyo Xal-u-Raadinta Khilaafaadka Doorashada

Somalia news

Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage ayaa 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe, madashan ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay ka dhici jirtay dalka Jabuuti. Ajandaha shirka sanadkaan ayaa halku dhiggiisu yahay. (2025 Sidee looga bixi karaa Kumeel Gaarnimada iska socota)…

Waxaana diiradda lagu saari doonaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka oo lagu mursan yahay.

Waxaa Madasha sanadkan lagu casuumay Madaxda qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada, Guddoonka Labada aqal ee Baarlamaanka, inta badan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Xildhibaano labada Gole iyo Marti sharaf kale.

81990cookie-checkKulanka Garoowe Iyo Xal-u-Raadinta Khilaafaadka Doorashada