Madaxweynaha oo Xilka ka qaadaya Taliyaha CXD, Yaa loo wadaa..?

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu go’aansaday in Xilka laga xayuubiyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka oo Saami ahaan ay isku beel ka soo wada jeedaan, kadib markii fashil uu ku yimid Howlgalada Laab-la-kaca ku dhisan ee Madaxweynaha…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Ciidamada ay farta ku goday in Qorshaha xeelad dejinta dagaalada lagu xoreynaayo Degaanada aad uga fog Caasimada ay tahay mid lagu halaagaayo Ciidamada Dowladda looguna sahlaayo kooxda Shababka iney si fudud ku qaataan Gadiidka iyo Saadka iyo Sahayda Ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in durbadiida kooxda Demu Jadiid iyo Daljir ay bilaabeen olole iyo Is qabqabsi la xiriira cida loo xulaayo Jagadaan, iyadoo xubno tiro badan oo doonaya ay buux dhaafiyeen Xafiiska Madaxweynaha, Xubnaha ilaa hadda safka hore ku jira waxaa kamid ah Shuute iyo Bariise oo ka tirsan Ciidamada Xoogga iyo Boliiska, kuwaas oo doonaya jagada Taliyaha xoogga dalka.

Ku Darsoo, waxaa weli Maamulka uusan xalin Kala duwanaanshiyaha dhanka Gunooyinka ee u dhaxeeya ciidamada Xoogga dalka oo qaarkood tababaro dheeraad ah heysta iyo kuwa UAE ay tababareen oo qaatay muddo saddex bilood ah oo aad uga yar ayaa waxaa dhaliilo loogu jeediyay Maamulka Xasan Sheekh Sida uu u maareynaayo.


253030cookie-checkMadaxweynaha oo Xilka ka qaadaya Taliyaha CXD, Yaa loo wadaa..?
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com