Maxaa ka Run ah Mas’uul ka tirsan Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Warfaafinta la Xiray..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay gacanta ku dhigeen Mas’uul ka tirsan Wasaarada Warfaafinta Dowlada Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inuu faraha kula jiray arrimo wax u dhimaaya Amaanka & Xasiloonida Degmada Burco..

Wararka ayaa sheegaya in sida ay baahiyeen Xoogaga Amaanka Burco waxey qabteen Ninkan oo magaciisu yahay Deeq Cilmi Rooble oo Agaasime ka sh Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Warfaafinta, kaasoo ku eedeeyeen inuu magaalada Burco u joogay kala furfurka dhalinyarada Somaliland iyo fidinta Warar borobagaando ah.

Xoogaga Amaanka ayaa sheegay in Deeq Cilmi Rooble oo aan la ogayn sida uu ku soo galay gudaha Somaliland, balse warar aan la xaqiijin ayaa la sheegaya in Muwaadinkaan uu u tagay magaalada arrimo la xiriira qoyskiisa isla markaasna uusan wax siyaasad la xiriira ku howlaneyn.

330270cookie-checkMaxaa ka Run ah Mas’uul ka tirsan Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Warfaafinta la Xiray..