Ma Dhabaa In Doorashada La Qabanaayo Horantaan Bisha Juun

Somalia news

Kadib markii uu socon waayay muddo kororsi ay wateen Koox laga tiro badan yahay, isla markaasna kooxdani ay guuldarro kala kulmeen Adeegsiga Xoog iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, kadib markii gacanta la isula tagay, waxaana lagu qasban yahay in dib loogu laabto Teendhada Afisioni si looga heshiiyo Khilaafka Doorashada dadban…

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Rooble markii uu shalay la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka Ayaa si cad loogu sheegay in Doorashada la qabto 5-ta Bisha Juun 2021, uuna u xusho Aqoonyahanno khibrad u leh Howlaha Doorashada iyo heshiiskii 17-kii September Uu saldhigg u noqdo Heshiiska Doorashada loona diro Madaxda Maamulada Gobolada.

Iyadoo la faray Rooble in laga doodo qodobada u baahan tuurxaan bixinta Sida Ciidamada Gobolka Gedo iyo Maamulka Doorashada Gobolkaasi, waxaana lagula taliyay in aan laga bixin xeyndaabka Heshiiska, waxeyna Wakiilada Beesha Caalamka ay si cad ugu sheegeen in aan cid kale la wadaagi karin Maamulka Doorashada Mr.Rooble Ee uu qaato Mas’uuliyada.

Amaanka Doorashada:-

Waxaa lagu heshiiyay in Amaanka Doorashada ay wada maamulaan Ciidamada Boliiska Federaalka iyo Maamulada Gobolada iyo Ciidamada Boliiska Amisom, waxaana loo balanqaaday in dhaqaalaha ku baxaaya Doorashada uu diyaar yahay, waxaana lagu adkeeyay Rooble inaan laga bixin heshiiskii 17-kii September.

Shaasiyaadka caqabada ku Ah Heshiiska Doorashada:-

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Liiska Mas’uuliyiin Soomaali ah oo lagu eedeeyay iney caqabad ku yihiin Heshiiska Doorashada lagu wado in cunaqabateyn Dhanka safarada & dhaqaalaha ah la saari doono, waxaana Caasimadda Mareykanka Washington looga yeeray Danjiraha USA ee Somalia, isagoo lagu wado inuu liiskaasi u gudbiyay Wasaarada Arrimaha Dibeda Ee USA.

Dad badan ayaa isweydiinaya heshiiskii shalay suurto gal ma noqdeen hadii uu Farmaajo hagaayo Hogaanka Siyaasada iyo Ciidamada, Waxaana soo shaac baxaaya In Farmaajo uu laba mid ku dambeyn doono inuu is casilo oo Magangeliyo Dalka Qatar siiso isaga iyo tiro gacanyarayaashiisa iyo In la xiro oo Maxkamada la soo taago laguna eedeeyo gabood faladii Uu geystay intii Uu Maamulka hogaaminaayay.

117050cookie-checkMa Dhabaa In Doorashada La Qabanaayo Horantaan Bisha Juun