Maxaa ka Run ah Taliyihii hore ee NISA Loo Xulay inuu Hogaamiyo Wasaarada Gaashandhigga..

Politics Security Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Villa Somalia ay wado qorshe ay isku shaandheyneyso Golaha Wasiirada, Hogaanka NISA iyo Duqa Magaalada Mogadishu, iyadoo xuuraankaan uu tilmaamayo in Taliyihii hore ee NISA (Mahad Salaad) loo xulay inuu noqdo Wasiirka Gaashandhiiga ee Dowlada Federaalka…

Isku shandheyntaan ayaa la sheegay iney meesha ka saari doonto Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowlada Federaalka Mr.Axmed Macallin Fiqi oo isku heyb ka soo wada jeedaan, Sababta ka dambeysa Xulashadaan Madaxtooyada Somalia ayaa lagu fasiray in Ciidamada Egypt ay Sanadka cusub qeyb ka noqon doonaan Ciidamadaan Howlgalka Nabad ilaalinta ee AUSSOM, Mahadna aad ugu dhow yahay Masar.

Wasiirka Gaashandhigga oo isna xiriir la leh Dalka Turkiga ayaa loo magaci doonaa Wasaarada Batroolka ama Hey’adda Shidaalka, Halka Agaasimaha Hogaanka NISA loo wado inuu Noqdo Madaxweynaha Hirshabeelle, Isbedeladaan ayaa u muuqda kuwa aan wax badan ku soo kordhin doonin adkeynta Amaanka Caasimada iyo guud ahaan Somalia maxaa yeelay Mas’uuliyiintaan dhamaantood waa kuwo wada fashilmay.

352290cookie-checkMaxaa ka Run ah Taliyihii hore ee NISA Loo Xulay inuu Hogaamiyo Wasaarada Gaashandhigga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com