Puntland oo dib u Bilaabeysa Daabacaada Lacagha Faalaada ah ee Shilin Soomaaliga

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda Puntland, ayaa sheegay iney qorsheeyay dib u soo celinta isticmaalka lacagata Shillinka Soomaaliga, oo sanado kahor ka istaagtay degaannada Puntland…

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxda Wasaarada Maaliyada ay qorshe la isla meel dhigay kuwaasoo la doonayo in marks hore daraasad lagu sameeyo dhaqaalaha Puntland, sida Lacagta Shillin Soomaaliga, Lacagaha damabeysan iyo mashaariicda ay Puntland ka hesho Beesha Caalamka, iyadoo la xusuusan yahay in ilaa 4-Mashiin oo lacagaha faalsada ah lagu daabaco ay yaalaan Puntland.

Degaanada Puntland ayaa sanado aysan ka shaqeynin daabacaada lacagta Shillin Soomaaliga been abuurka ah, kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta, uuna sarafka halka dollar ee Mareykanka ah uu noqday lacag ka badan 60 kun oo Sh.so, ilaa hadda lama yaqaano iney dhab ka tahay iyo iney Gorgortan ka wadaan si loogu cabsi geliyo Villa Somalia iney tanaasulaad la yimaadaan.

233540cookie-checkPuntland oo dib u Bilaabeysa Daabacaada Lacagha Faalaada ah ee Shilin Soomaaliga