Farmaajo Oo Diyaariyay Qorshe Lagu Carqaladeynaayo Shirka

Somalia news

Warar isasa Soo taraaya oo laga helay Xafiisyada Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo qorsheeyay inuu carqaladeeyo Kulanka Dhuusa mareeb 2, wuxuuna wafdiga u raacaya shirka furmaya ku daray Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen….

Sida aan xogta ku helnay, Mahdi Guuleed oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi ama Somaliland, ayaa Madaxweynuhu uu ku doodayaa inuu shirka ku matalayo gobollada Waqooyi, maadaama uusan jirin maamul matalaya.

Si kastaba, waxaa la filayaa in tani ay diidmo ka muujiyaan madax goboleedyada, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo matalaad noocan ah loo muujiyo Somaliland, waxaana qaarkood ay u arkaan inay qeyb ka tahay dadaallada Villa Somalia ee lagu doonayo in shirka lagu fashiliyo.

Madax goboleedyada ayaa casuumay kaliya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, taasi oo horseeday in guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu sheego inuusan aqbali doonin go’aanada shirka. Mursal ayaa la rumeysan yahay inuu ka carrooday inaan waxba laga soo qaadin.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku sugan Garowe, ayaa suurta-gal ay tahay inuu shirka tago. Haddii taas ay dhacdo waxay kasii carreysiin doontaa Mursal. Cabdi Xaashi ayaa la rumeysan yahay inuu ku aragti yahay madax goboleedyada uuna rumeysan yahay in dalkan aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

48560cookie-checkFarmaajo Oo Diyaariyay Qorshe Lagu Carqaladeynaayo Shirka