Maxaa ka Run in Kooxda Daacishta ay Sare u qaaday Adeegsiga Drones-ka Miineysan…

Security Somalia news

Warbixino amaan ayaa daaha ka rogeysa in Kooxda Argagixisada ee Daacishta Somalia oo muddo bil ah dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ku heysay Xoogaga Amaanka iyo Maleeshiyo Beeleedyo uu Maamulka Deni ee Puntland ku uruuriyay Buurta Calmiskaad ee Gobolka Bari, kaasoo khasaare balaaran dhinacyadaan soo kala gaaray…

Xuuranada laga helaayo Degaanadaasi ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ee ka howlgasha Puntland ayaa sare u qaaday weeraradooda iyagoo adeegsanaya Drones hormarsan iyo Gaadiid Miineysan kuwaasoo geysanaaya Khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh oo soo kala gaaray garabyadaan, Qaar ka mid ah diyaaradahaasi ayaa ku qalabaysan kamarado shucaac ku xiran yahay oo lagu ogaan karo xiliyads habeenkii dhaqdhaqaaqyada, taasoo u suuragelinaysa inay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku sugan yihiin Xoogagaan isku dhafka ah.

Shirkadda Vates Somalia oo ku takhasustay qiimaynta Amaanka, Qalabla casriga ee khataraha oo mid ka mid ah noocyada diyaaradaha lagu arkay muuqaalladii ugu dambeeyay ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa qiimiheedu ka badan yahay $9,000, kuwaasoo markii duqeyn ilaa 4-bam ku duqeyn kara yoolka loo xushay.

Waxaana la xaqiijiyay iney si joogto ah Diyaaradahaan Drones-ka ah ay si joogto ah u khalkhal geliyaan Kolonyada Sahayda iyo Saadka gurmadka ah ee Ciidamada loo wado, Farsamadaan ayaa Somalia ku cusub, iyadoo kooxaha Argagixisada ee ka dagaalama Syria iyo Iraq ay si joogto ah u adeegsadaan Drones-kan hubeysan iyo kuwa sahanka.

360470cookie-checkMaxaa ka Run in Kooxda Daacishta ay Sare u qaaday Adeegsiga Drones-ka Miineysan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *