Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Oo Digniino Hordhac ah ka soo Saartay Roobabka

Somalia news

Mas’uuliyiinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa soo saartay digniin tilmaameysa in qaar kamid ah Gobolada Dalka ay wajihi karaan khatar ka soo food saarta halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba…

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Maareynta musiibooyinka faraceeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in Degmooyin ka tirsan Gobalada Bari, Bakool, W/Galbeed, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm.

“7-da maalmood ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida Gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan iney ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda, Xoolahooda iyo Hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan.

247920cookie-checkHey’adda Maareynta Masiibooyinka Oo Digniino Hordhac ah ka soo Saartay Roobabka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com