Xafiiska Xeer-Ilaalinta oo Maxkamada Gobolka Weydistay Baaris & Dabagal Akoono Uururka Suxufiyiinta ee SJS…

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Warbixin hordhac ah oo baaris, daba gal iyo xayiraad uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu gudbiyay Maxkamadda Gobolka Benaadir u gudbiyey kuna sabasn Akoono Dhaqdhaqaaq Ganacsi oo uu sheegay in lagu furay magaca ururka saxafiyiinta ee (Somali Journalists Syndicate SJS)…

Warbixinta Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in magaca ururkaasi loo adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirta Akoono ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.” ayaa lagu xusay Warbixinta Xafiiska Xeer ilaalinta.

Wararka ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer ilaalinta Xafiiska Xeer ilaalinta uu ku soo oogay Dembiyada loo heysto ururka SJS ee “Fal-dambiyeedyada ku xusan Qodobada: 372, 378, 452/3 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Qodobada 8aad, f- laad, Qod. 16aad f- laad, Qod. 26aad ee Sharciga Saxaafadda Xeer Lr. 26, ee soo baxay 30/07/2020.”

Garsoorka Maxkamada Gobolka Benaadir ayaa soo saaray amar oggolaasho Baaris iyo Xayiraad Akoonada Ururka SJS, Ururkaan ayaa ka mida ururrada saxaafadda ee ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaana xoghaye ka ah Cabdalla Muumin Axmed oo hore ay u xireen Hey’adaha Amaanka, inkastoo markii dambe damaanad lagu siidaayay isla markaasna loo oggolaaday inuu ka dhoofo Garoonka Doyaaradaha, Wariyahaan ayaa xiligaan si weyn mucaarad ugu au Maamulka Villa Somalia.

321430cookie-checkXafiiska Xeer-Ilaalinta oo Maxkamada Gobolka Weydistay Baaris & Dabagal Akoono Uururka Suxufiyiinta ee SJS…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *