Ciidamadii Qaranka Oo Loo Adeegsaday Difaaca Danaha Farmaajo

Somalia news

Warbixino welwel leh ayaa muujinaaya in Ciidamada Qalabka Sida (Boliiska, Xoogga Dalka, Asluubta iyo NISA), oo 4-Maamul isaga dambeeyay ku mashquulay sidii loo dhisi lahaa Ciidamo tayo leh oo Xoreeya Degaanada ay ka taliyaan Kooxaha argagixisada, ayaa waxaa soo baxaaya in Maamulkaan uu burburiyay Ciidamadii dhisan isla markaasna dhistay Ciidamo wax u caburiyo waxna u dila….

Warbixitaan oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa tilmaamaya in Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ku sifoobeen kuwo lagu fushado (u adeega) Danaha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, ilaa xiligaan ma jiraan wax horumar ah oo la taaban karo oo laga gaaray howlgalada looga xoreynaayo degmooyinka ay heystaan Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta Somalia.

Waxaa Saraakiisha Ciidamada qaarkood lagu Eedeeyay iney ka qeyb qaateen boobka iyo afduubka Doorashada ee ka dhacay Konfur galbeed, Galmudug iyo Hir-Shebeele, iyagoo dilal ka geystay Intii lagu guda jiray Doorashada ka dhacday Degmada Baydhabo.

Sidoo kale Hogaanka Ciidamada ayaa lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen inay isku furaan Wadada Muqdisho, Afgooye – Jowhar iyo Muqdisho, waxaana difaaca dano Qabiil loo Geeyey Gobolka Gedo, iyadoo dhaqaale badan lagu bixiyay kireynta Diyaaradaha lagu daabulay Ciidamadii Qaranka Cadowga ka difaaci lahaa shacabka.

Dhowaan ayeey aheyd markii Ciidamo ayaa loo daabulay Magaalada Baladweyne si ay ula Dagalaaman Hogaamiyaha Koox Hubeysan oo lagu magacaabo Mr.Xuud kaasoo ka soo horjeestay habka sharci darada ah ee lagu dhisay maamulka Hirshabeele.

Hadaba Ciidamadaan sow Dalka kama xireeywen degaanada la heysto, iyadoo loo adeegsaday dano gaar ah kadib markii loo daabulay Degmooyinka Doolow iyo B/Xaawo si Loo caburiyo Ciidamo daacad u ah Maamulka Jubbaland, halka Doorashooyinkii Ka Dhacay Dhuusamareeb, Jowhar, Baydhabo iyo Baladweyne loo geeyay si loo caburiyo Dadka degaanka kuwaasoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu arka kuwo Cadow ku ah siyaasad Farmaajo.

87090cookie-checkCiidamadii Qaranka Oo Loo Adeegsaday Difaaca Danaha Farmaajo