Share the post "Maxaa Ka Soo Baxay Wadahadallo Farsamo ee u socda Somalia iyo Ethiopia.."
Kulankii ugu horeeyay ee Wada hadalada Farsamo ee u socda Wakiilo ka socda Ethiopia iyo Somalia, iyadoo lagu saleynaayo heshiiskii Ankara ee 11-ka Decembar 2024-kii, kaasoo ay garwadeen ka ahaayeen Dowlada Turkiga ayaa markii 2-aad ka dhacay magaalada Ankara..
Wadahadalladaan waxaa martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeyb galeen wafdiyo ay hoggaaminayeen Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Somalia iyo Dr. Gedion Timothewos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, iyadoo lagu soo bandhigay aragtida cusub ee lagu hiigsanaayo Mustaqbal dhaqaale iyo Amni oo dhinacyadaan ku wada qancaan.
Intii lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta qodobada iyo nuxurka bayaankii Ankara, Wafdiyadu waxay billaabeen shaqo dhab ah oo lagu hirgelinayo aragtidaas, iyagoo isla gartay horumar waara oo labada dhinacba dan u ah.