Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Oo Ka Digay Dhagaraha Farmaajo

Somalia news

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka hadlay qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa ku tilmaamay “Inqilaabka”, wuxuuna sheegay Farmaajo uu yahay nabar la filaayey uusan naxdin laheyn…

Mr.Cabdiraxman ayaa sheegay “In loo baahannahay in la isla fahmo shantaan qodob, kuwaasoo kala ah:-

-Inuusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay inuu ka soo baxo Villa Somalia.

-Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

-Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

-Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodad xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

-Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa iney RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

158220cookie-checkGudoomiyaha Xisbiga Wadajir Oo Ka Digay Dhagaraha Farmaajo