Digniino Laga Soo Saaray Xiligaan Adag ee Abaarta & Heer-Kulka Caalamka oo Kordhay..

Somalia news

Waxaa soi shaac baxaaya digniino laga soo saaray xiligaan adag ee Abaarta, heer-kulka Caalamka oo sababi kara Dab ka dhashay & Daadadka oo Xiligii Roobabka lagu guda jiro, tani waxey qeyb ka tahay baraarujinta Shacbiga si looga hortago burbur ku yimaada Nolosha Dadka, Degaanka iyo Duurjoogta…

Wararka ayaa sheegaya in digniintaan Shacbiga Soomaaliyeed lagula socod siiyay in Xili-roobaadka sanadkaan uu dib u dhac ku imaan karo degaanada qaarkood ayna sabab u noqon karta isbedelka Cimilada, iyadoo dib u dhacaani ay ka dhalan karaan Dhulka iyo geedaha oo qalala kuwaasoo sii kordhin kara halista Dabka oo dhibaato u horseedi kara Dadka iyo duurjoogta.

Khubarada ku xeel dheer Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa sheegay in dib u dhaca xili roobaadka astaan u tahay inuu sare u kaco heer kulka Caalamka iyo isbedelka Cimilada taasoo saameyn weyn ku yeaneysa Dadka & Duunyada, waxaana loogu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed iney ka fogaadaan waxyaabaha wax gubi kara ama dhalin kara Dab oo aan looga baahneyn Degaanada Dhirtu ku badan tahay.

ku darsoo Dab xoogan ayaa ka kacay Dooxada Degaanka Dalsan ee Dangorayo ee Gobolka Nugaal, Sida xogaha hordhaca ah ay sheegayaan, waxaa loo badinaya inuu dabka ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.

321310cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Xiligaan Adag ee Abaarta & Heer-Kulka Caalamka oo Kordhay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *