Maxaa Keenay Kala Qeybsanaanta Midowga Musharixiinta

Somalia news

Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah ee Somalia ayaa walaac ka muujinaya hannaanka Wasiirka1-aad ee Xukumada xil gaarsiinta Mr.Rooble uu wado howlaha doorashada iyo shirka loo balansanyahay ee looga hadlayo arrimaha dooorashooyinka…

Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in Xukuumada ay diiday Ergaygii Midowga Afrika u soo magacaabay Somalia madama markii hore dowladdu dalbatay sida ay mucaaradku ku doodayaan iyo in diyaar garowga shirka loo balansanyahay 20- ka bishaan May ay habacsanaan ka muuqato in kasta uu r’iisal wasaare Rooble ku celiyay inuu shirku wakhtigiisa ku dhacayo.

Ridwaan Xersi Maxamed oo ka mid ah Mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay xiligaan cabsida u muujinayaan ay tahay in gaabis uu ka muuqdo howlihii la rabay in la qabto shirka ka hor. Waxay sheegeen in ra’iisal wasaare Rooble halkii laga rabay inuu dhiso kalsoonida iyo dhaqaajinta howlihii shirka uu safarro ku aaday dalalka Sacuudiga iyo Jabuuti.

Dhanka kale Xisbiga Wadajir ayaa warqadii ka soo baxday Midowga Musharaxiinta ku tilmaamay warqad hal qof soo qortay, iyadoo ay jirtay in warqadaas faafinteeda ay barahooda bulshada soo dhigeen Musharax C/qaadir Cosoble iyo Musharax C/nuur Sheekh.

Inta badan qoraalada Midowga Musharaxiinta faafiyaan ayaa ku soo bixi jiray wadar oggol, waxaana marar badan Page-kiisa soo dhigi jiray, inkastoo C/raxmaan C/shakuur warqada maanta aanu soo dhigin, taasoo muujineyaa tafaraaruq ka dhex bilowday Midowga Musharaxiinta.

119140cookie-checkMaxaa Keenay Kala Qeybsanaanta Midowga Musharixiinta