Maxaa Maamulada Galmudug & Puntland ka Hortaagan Joojinta Colaadaha Beelaha..

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonto ah in Maamulada Galmudug iyo Puntland ka gaabiyeen ka hortaga Colaadaha Beelaha Hubeysan iyo xakameyntooda, dhiiladaan oo tii ugu dambeysay ay galaafatay nolosha ku dhawaad Ku dhawaad 10-Qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo Beeleed ku dhexmaray Degaanka Labi Maygaag oo dhaca Bariga Gobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegaya in Maleeyshiyo beeleedka dagaalamaya ay ka soo kala jeedaan degaanada Maamulada Galmudug iyo Puntland wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran Degaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday, Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.

Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsan doono joojinta colaadda labada dhinac, Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diri doono halka ay colaadu ka socoto.

Dagaalkii shalay oo saacado badan socday ayaa si iskiis ah u qaboobay, waxaana laga cabsi qabaa inuu maanta mar kale dib u bilowdo, iyadoo labada maleyshiyo beeleed ay wadaan abaabul ciidan.

333180cookie-checkMaxaa Maamulada Galmudug & Puntland ka Hortaagan Joojinta Colaadaha Beelaha..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *