Ma Dhabaa in Muran & Khilaaf soo kala dhex galay Ethiopia & Maamulka Hargeysa..

Africa News Somalia news

Warar hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Ethiopia iyo kuwa Sirdoonka ayaa ka degay Hargeysa 48 saac ee u dambeysay, waxeyna la kulmeen Madaxweynaha Maamulka Waqooyiga ee Somaliland Muuse Biixi, iyagoo kala hadlay sida la xaqiijinayo arrimaha labada dhinac u dhaxeeya, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey iyo Is afgaradkii…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in 45-Maalmood ee ay qabsadeen labada dhinac kuwaasoo sheegayeen iney diyaarinayaan heshiis u bedelida Is-Afgaradkii ayaa dhammaad ku dhow, xili Maamulka Addis Abebs ay aad ugu adag tahay iney aqbasho shuruudaha uu Maamulka Hargeysa ku xiray oo ah Aqoonsi buuxa.

Wararka ayaa sheegaya in Khilaafka xoogani uu ka taagan yahay Degaanka loo qorsheeyay in laga hurgeliyo Dekeda, Iyadoo Ethiopia ay aad u xiiseyneyso Degmada Lughaye oo Beesha Muuse Biixi aysan degin, halka ay Somaliland-na doonayso tuulada Buula-Xaar oo ku dhaw magaalada Berbera ayna degaan Beesha Habar awal ee Muuse.

Dhinacyadaan ilaa hadda wax kale iska dhaafe goobta ayay isku hayaan, iyadoo qolo kastana culeys dhankeeda u haysto, waxeyna u badan tahay in heshiiska uu sidaas ku burburo.

317090cookie-checkMa Dhabaa in Muran & Khilaaf soo kala dhex galay Ethiopia & Maamulka Hargeysa..