Gudoonka Baarlamaanka Oo Xildhibaanada Ku Cadaadinaaya Ka Qeyb galka Fadhiyada

Somalia news

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaannada ka maqan fadhiyada Golahaas lala xisaabtamayo si aanay u dhicin baaqasho ka dhalata kooramka uu ku furmi karo shirkooda…

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin doono si loo helo shuruuc toos ah oo qabta Xildhibaanka sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Golaha Shacabka BFS, dhaqaalahaasi ayuu tilmaamay in ay lamid tahay mushaarka la siiyo Dowladda, marka uu fadhiga tagana uu qaadanayo haddii uu maqnaadana bilaa cudur daar lala xisaabtamayo sida fasaxyada u banneenaya inuu maqnaado mudanaha balse lala ogyahay.

“Xildhibaannadu malaha gunno fadhi, gunno gaadiid & Caafimaad oo xeer hoosaadka ugu qoran, Baarlamaanka cusub waan kawada hadalnay in la dedaallo inta la awoodo si loo helo inkasta oo uu waddanka uu yahay dal dhaqaalihiisa iska burburay balse waa lagama maarnaan in la helo si shaqadooda u gutaan Xildhibaannada” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in Baarlamaanka uu ka shaqeynayo sidii loo qaban lahaa Doorasho ka duwan middii lagu qabtay Hangarka Afisiyooni ee lagu doortay labadii Dowlad ugu dambeeyay.

196440cookie-checkGudoonka Baarlamaanka Oo Xildhibaanada Ku Cadaadinaaya Ka Qeyb galka Fadhiyada