Ma Dhabaa in Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo lagu Go’doomiyay Degaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in la go’doomiyay koox ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan degaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib dagaal halkaasi ka dhacay..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox maleeshiyadaasi ay ka soo gudubtay daanta galbeed ee Webiga Shabelle, si ay weeraro uga gaystaan waddooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo Jalalaqsi, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka Drones-ka ay ka qeyb qaateen Weerarka.

Ciidamada ayaa maanta dagaal culus la galay Shabaabka, oo ka dhex dagaalamaya dhulka hawdka ee ku teedsan webiga, iyadoo ay dhimasho badan iyo khasaare dhaawacyo u badan ka dhacey degaanka, waxeyna ku hareersan yihiin godod halkaasi ka qoteen, waxaana u furan tahay hal waddo oo keliya, waana waddada ay webiga uga tallaabi karaan daanta galbeed ee gobolkaasi.

Degaanka Cali Fooldheere ayaa lagu sheegay dhul howd ah oo ay Maleeshiyaadka Shabaabku gabaad ka dhigan karaan, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah, in laga saarana ay muhiim u tahay xasilloonida labada gobol ee Hirshabelle, Qorshaha ayaa ah in Ciidamada ay duleedka Ceelbaraf ka xiraan waddada gasha dhulka hawdka iyo midda kale ee tagta webiga.

277660cookie-checkMa Dhabaa in Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo lagu Go’doomiyay Degaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com